Sidee cudurka kalamiidhiya loo kala qaadaa?

Habka ugu badan ee cudurka lagu qaado waa galmada aan loo isticmaalin kondhom, marka ay xuubabku is taabtaan. Tani waxay sidoo kale khusaysaa galmada dabada iyo galmada afka. Bakteeriyadu waxay ku nooshahay kaliya unugyada nool sidaa darteed laguma kala qaado gacan iskusalaanka, kuraasta suunada, dharka, shukumaanada, ama musqulaha. Qabida kalamiidhiya aan la daaweyn muddada uurka ayaa khatar galin karta caafiimadka ilmahaaga wakhtiga dhalmada.

Sideen ku heli karaa baaritaan?

Kuwa guska leh, baaritaanka kaadida ayaa loo baahan yahay. Kuwa siilka leh, waxaa loo baahan yahay baaritaanka dheecaanka (degmooyinka qaarkood, baaritaanka kaadida ayaa la heli karaa). Baaritaanka waxaa lagu qaadi karaa guriga iyadoo la adeegsanayo xirmada qalabka kalamiidhiya ee klamydia.se haddii aad ku nooshahay aagga Västra Götaland, gobolka Västerbotten, gobolka Norrbotten ama gobolka Gävleborg. Baaritaanka waxaa sidoo kale lagu sameyn karaa rugta caafimaadka dhalinyarada, rugta caafimaadka galmada ama xarunta caafimaadka waana mid bilaash ah. Waxay qaadataa hal toddobaad in la helo natiijada baaritaanka.

Ka dalbashada Klamydia.se waa hab sahlan oo asturan oo loogu sameeyo baaritaanka guriga taasoo lagu falanqeeyo isla sheybaarka loo isticmaalo daryeelka caafimaad ee caadiga ah.

Booqo Klamydia.se si aad u dalbato baaritaanka guriga ama aad macluumaad dheeraad ah u akhrisato (xiriirka dibeda)

Yaa qaadi kara kalamiidhiya?

Maadama ay kalamiidhiyadu soo noqnoqoto, qof kasta oo galmo sameeyay kondhom la’aan (ama kondoom gudaha ah la’aan) wuxuu halis ugu jiraa inuu ku dhaco cudurku. Caabuqa kalamidiiya waa caabuuqa bakteeriyada ugu badan ee galmada lagu kala qaado.

Astaamaha

Dadka qaba kalamiidhiya badankood ma laha astaamo laakiin way sii gudbin karaan cudurka. Astaamuhu, haddii ay jiraan, waxay dhici doonaan hal illaa saddex toddobaad kadib caabuqa; astaamaha ugu badana waa dheecaan iyo dareen gubasho marka la kaadinayo. Dadka qaar ayaa sidoo kale arki kara dhiig ka yimaada siilka. Bakteeriyada Kalamiidhiya waxay sidoo kale jiifsan kartaa waqti dheer kadibna si lama filaan ah ayay u sababi kartaa dhibaatooyin ama caqabado toos ah.

Ma-dhalaysnimo iyo cudurada labaad

Caabuqa kalamiidhiya ee aan la daaweyn wuxuu sababi kartaa cudur ku dhaca miskaha, kaasoo natiijo ahaan horseedi kara uurka ektobik loo yaqaan ama ma-dhalaysnimo mustaqbalka ah. Haddii aad gus leedahay waxa kugu dhici kara bararka dhuunta biyaha ragga, bararka qanjirka kaadi haysta, bararka kaadi mareenka, iyo suurta galnimada taranka oo yaraada. Qof kasta way ku dhici karaan bararka qaybta hoose ee isha iyo bararka kaadi mareenku. Qofka uurka leh ee qaba cudurka kalamiidhiya ayaa cudurka qaadsiin kara ilmaha xilliga dhalmada, taas oo keenta caabuqa indhaha iyo sambabbada ee ilmaha. Ilmo qaba kalamiidhiyada sambabbada ayaa khatar weyn ugu jira inuu ku dhaco cudurka xiiqdu wakhtiga dambe ee noloshiisa.

Daaweynta

Caabuqa kalamiidhiya waxa lagu daaweeyaa antibiyootig oo looma baahna daaweyn dambe. Lamaanaha waa in sidoo kale la baaraa oo la daaweeyaa haddii loo baahdo. Booqashooyinka dhakhtarka iyo daawooyinku waa bilaash.